Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay ka bixitaankooda deegaanno iyo degmooyin ka mid ah gobolada dhexe
Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay ka bixitaankooda deegaanno iyo degmooyin ka mid ah gobolada dhexe, iyagoo dhinaca kale beeniyay in DKMG ah ay amar ku siisay inay faarujiyaan deegaannadaasi.
C/shakuur Xuseen Cabdi Jaabiri oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna Walajamaaca oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in sababaha ay kaga baxeen Ahlu Sunna qeybo badan oo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ay tahay inay xiraan waddooyin muhiim u ah dagaalada ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.
Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku qancinayaan in mar kale ay dib u qabsan doonaan goobihii ay baneeyeen, isagoo sheegay inay ka xun yihiin falalka gurracan oo ay Ciidamada Al Shabaab ay ka sameeyeen goobihii ay dhawaan ka baxeen Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia.
Dhinaca kale Sarkaalkaani ayaa waxa uu beeniyay hadal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda KMG ah kaasi oo ku aaddanaa in Ahlu Sunna iyo Ciidamada Ethiopia dowladda ay ku amartay inay ka baxaan goobihii ay faarujiyeen dhawaan.
Hadalada kala duwan ee kasoo baxaya Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa imaanaya, iyadoo Ahlu Sunna lagala wareegay gacan ku haynta deegaanno iyo degmooyin ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya.