Dahabshiil-Gif
 
|

Sawiro:Kulan Muhiim Ah oo Ka Dhacay Hobyo iyo Qodobo Lagasoo Saaray

 

Kulanka Waxaa ka Qeyb Galay Odayaasha Degmada Hobyo iyo Wasiiro Xil horey uga soo Qabay Galmudug Ahna Xildhibaan Hore C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor kuwaasi oo ka shiray Midnimada iyo Hormarka Hobyo.

 

 

inta uu kulanka uu socday Waxaa looga hadlay Hormarka Magaalada Hobyo Dhibaatooyinka ka taagan Dhanka Bada iyo Dhismayaasha ka socda Magaalada.

 

 

Kulanka kadib Waxaa laga soo Saaray 5 Qodob oo kala ah,

1 in midnimada Hobyo ay tahay lama taabtaan.
2 in amniga Hobyo hal meel loogasoo wada jeesto.
3 in la dhiso ciidan gacanta ku dhiga Amniga Hobyo.
4 in amniga lala kaashado cidkasta ee diyaar u ah.
5 waxay codsi u dirayaan ciidamada Badaha aduunka in ay ka saacidaan cirka dhulka iyo birigaba si loo suuliyo Burcada.

 

 

ugu Danbeyn Hobyo Ayaa cagta saartay Jihada Hormarka Waxaana Bulshada Halkaasi ku sugan ay ka baxeen kala qoqobnaanta dhexdooda ah iyagoo bilaabay dhismaha garoonka Hobyo Dayactirka Dekada iyo Xaruumihii Dowlada oo lasoo afjaray.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news