Dahabshiil-Gif
 
|

Shabaab oo gacanta ka gooyay wiil dhalinyaro ah

 

Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen Wiil dhalinyaro ah Magaalada Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii maxkamada Shabaab ee Gobolka ay xukuntay in wiilkaasi gacanta laga gooyo.

 

 

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa la soo taagay meel fagaare ah oo dadka la isugu yeeray  si ay u daawadaan qaabka uu u dhacaayo xukunka gacan goynta ah ee lagu fuliyay wiilkaasi.

 

 

Qaadiga maxkamada Shabaab ayaa sheegay Aadan Cali Aadan,inuu jabsaday dhawr dukaan, uuna ka qaatay alaab iyo lacag u dhiganta Hal malyan Sagaal Boqol Lixdan iyo Labo Kun Shiling Somali. 

Intaasi kadib ayaa rag u diyaarsanaa inay gacanta wiilkaasi gooyaan, waxa ay ku boobeen mindi, waxayna ka jareen gacanta qaybta hore, taasi oo argagax ku abuurtay dadkii daawanaayay.

 

 

Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news