Dahabshiil-Gif
 
|

Shacabka Galmudug Maxay Ku Amaal Marindoonaan Professor Shirwac

Professor C/qadir Max’ed Shirwac waa halyey shacabka Galmudug kamudan Bilad Qiimo Badan oo la orankaro waxa uu dhexda u xirtey u shaqaynta Dadkiisa iyo Dalkiisa tan iyo wixii ka danbeeyey Halgankii dheeraa ee uu ugalay dhismaha Galmudug .

Professor shirwac waxa uu noqdey shaqsiga kaliya ee u taagnaa Bilow ilaa dhamaad dhismihii Maamulka Galmudug Hadana  aan Xildoon ka ahayn.

Pro.C/qaadir Max’ed shirwac intaa Kadib markii uu arkay in uu Maamulka Galmudug israacay kama harin oo kama midnoqon jaaliyadii Dalka dibadiisa u yaacdey iyo ku wii xilka u haray ee waxa uu dadaal dheer ugalay sidii uu dhalinyarada Galmudug ogala dagaalami lahaa jahliga iyo mugdiga ay ku jireen xiliyadii la soomarey .

Waxaan ka xumahay in Professor Shirwac wax qabadkiisa iyo dadaalkiisa aanan faalo ku soo koobiKarin balse Cidii u baahan ay ka ogaan karto Hormarinta dadka iyo deegaanka galmudug sida uu doorka wanaagsan oga ciyaarey hadaan wax ka xuso ama aan idin xusiisiyo sida uu shacaka galmudug ugu gurmadey dhankasta waxaa kamid ah

Kormeerkii iyo gurmadkii uu ka geystey isaga iyo ardeydiisi xiligii  Abaarihu ku dhiftey Galmudug sida uu gacabta oga geystey safarkii ardeyda dugsiyada sare marka ay dhamaysataan  ay ugalijireen Jaamacada muqdisho ama kuwo kale oo looga Naste G.U

Daboolida Baahi faro badan oo loo qabay  isbitaal laga helo tasiilaad farobadan oo aan laga helin kuwa ku yaala  Galmudug oo uu gartey in lafuro Galkacyo Specialist Hospital

Talo joogta ah oo uu siiyo maamulka iyo waxgaradka deegaankana waa mida sida gaarka ah ay ugu amaanayaan boqolaal kun oo reer Galmudug ah waxaa shacabka qaarkiis ay ku haminayaan  in ay jeclaan lahaayeen in ay mar arkaan Professorka oo Noqdey Madaxweynaha Soomaaliya ama Galmudug.

Tani waa warbixin Kooban oo ku saabsan Fikirka Shacabka Galmudug ay kahaystaan Professor C/qdir Max’ed Shirwac

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news