Dahabshiil-Gif
 
|

Shil diyaaradeed ka dhacay garoonka diyaaradaha Guriceel

dGuddoomiyaha degmada Guriceel Cusmaan Ciise Taar Dhuleed ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad qaadka keenta Guriceel ay saakay shil ku gashay gudaha garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay ka baxday wadadii ay ku ordi jirtay, iyadoo wararku ay sheegayaan in shilkaasi aanu geysan wax qasaare ah, inkasta oo dhaawac fudud soo gaaray shan qof oo ay ku jiraan duliyeyaasha dhaawac soo gaaray.

Diyaaraddaan oo ah nooca yaryar ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Guriceel inay sabab u tahay shilka duuliyaha oo diyaarada u soo dejiyay qaab ka duwan sidii uu horay ugu soo dejin jiray.

Dhinaca kale shilkaan diyaaradeed oo ah midkii ugu qasaaraha yaraa ayaa la sheegayaa in diyaarada laga soo dejiyay qaadkii ay sidday, iyadoona ganacsiga qaadka ee degmada Guriceel aanu wax saameyn ah ku yeelan shilkaasi diyaaradeed.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news