Shir aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen gudiyo loo xulay jaaliyada Habargidir ee Uk
Shir aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen gudiyo loo xulay jaaliyada Habargidir ee Uk. shirkaas oo lagu qabtay magaalada London ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah jaaliyada Habargidir ee Uk . shirkaan waxaa looga wadahadlay sidii loo midayn lahaa jaaliyada Habargidir ee Qurbaha ku nool . shirkaasi wuxuu ahaa mid qiiro iyo xamaasadi ku dheehnayd.
Waxaa lagama maarmaan ah in Beeshu ay shir isugu timaado sidii wax looga qaban lahaa kala daadsanaanta kutimid midnimadii beesha si loo soo celiyo magacii iyo kala dambayntii beeshu ay ku lahayd umada soomaaliyeed. sidaas waxaa yiri mid kamid ah qaban qaabiyayaasha shirka. shirka ayaa waxaa lagu dhisay gudiyo ka kooban sadex oo diyaarin doona shirwayne loo balamay 8/04/2012 waxaana gudiyadii shirkaas lagu dhisay ka mid ah sadex gudi oo midkiiba ka kooban yahay shan iyo labaatan xubnood.
Waxayna kala yihiin sadexdaas gudi:-
1. Gudiga dhaqaalaha
2.Gudiga abaabulka
3. Gudiga saxaafada
Gudiyadaasi waxay u gogol xaarayaan sidii loo qaban lahaa shirwayne ay isugu timaado dhamaan beesha Habargidir intii awooda waxaana aujeedada shirkaasi tahay sidii looga midoobi lahaa dhinac walba ee ay nolosha bini,aadamku u baahan tahay. Dhinaca kale waxay beeshu ugu baaqaysaa jaaliyadaha Habargidir ee ku nool dunida dacaladeeda in ay kasoo qaybgalaan shirwaynahaan cidii aan awoodinina ay shir kan lamid ah ka abaabusho meesha ay joogaan.
Shirkaan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay hurdada uga kacday beeshu oo u muuqatay hada kohor in ay dayawday amaba aysan garan geedi socodka Soomaaliya iyadoo haab haabanaysa hadda meel laga guuray xawlina ugu socota meeshii loo hayaamay
Codkamudug Radio






















waa wax lagu farxaa ee yaan dheg loo dhigin warxumatashiilka nagu dhexjira ee hora u wada insha’allah waad ku guulaysandoontaane habargidir ha israacdo ha noolaato waa (gacmadheere)