Dahabshiil-Gif
 
|

Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud Oo Lagu Wado Maanta inuu Ka Furmo Cadaado

cadaaaaado

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud uu ka furmo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu xariga ka jaro Shirkaasi.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa gaafwreegaya gudaha iyo duleedka Magaalada.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadyo ka hor shaaciyay in Magaalada Cadaado lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta, arrintaasi oo muddo uu khilaaf ka taagnaa, hase ahaatee dib laga xaliyay.

Si Aad Uulasocoto Wixii Warar Ah Oo Kusoo Kordha Arrimaha Gobolada Dhexe Fadlan isha Ku Haay Mar Walba Www.Codkamudug.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news