Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawiro:-Shirweynahii Sedexaad ee Shabakada 2013 oo lagu soo gabagabeyay Magaalada Muqdisho

5

Waxaa Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho maanta lagu soo gabagabeyay Shirweynahii Sadaxaad ee Shabakada 2013 oo mudo 3 maalmood ah Socday,

Waxaana Gabagabdii shirkaasi ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Somaliya oo uu ka mid ah Wasiir ku Xigeenka Wasaaradaasi Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble .

Shirkani oo ahaa kii Sadaxaad oo ay Shabakada yeelato ayaa waxaa lagu dooratay Gudoomiyaha Cusub ee Shabakada 2013 waxaana loo doortay Prof. Axmed Cali Axmad oo horey u soo ahaa Gudoomiye ku Xigeenkii Shabakada.Waxaana Gudoomiye ku xigeen loo Magacaabay Mohamed Cabdi Wahaab oo ah Agaasimaha Radio Risaala waxaana sidoo kale Xogayaha Guud ee Shabakada loo Magacaabay Mustafa Shiekh Yasin oo Horay u Ahaa Gudoomiyaha Shabakada Network 2013

Prof. Axmed Cali Axmad oo ah Gudoomiyaha Shaabakada 2013 oo Gabagabadii Shirka ka hadlay ayaa sheegaya in ay shabakadu ay Dadaal dheer ku bixin doontaan Hormarka Warbaahinta Somaliya iyada oo kaashanaysa Hay’ada Caalamiga ah ee Taagerta Saxaafada ee IMS,Wuxuu kaloo sheegay in Shabakada ay tahay mid u furan Dhamaan Warbaahinta Somaliya Madamada Ujeedka ugu weyn ee loo aas aasay uu yahay Midnimada Warbaahinta Somaliya .

Waxaa si doo kale Shirka ka halady Ustaad C/qaadir Maxamed Mursal oo ku hadlayay Magaca Ims , waxa uuna sheegay in Warbaahinta Somalida ay leeyihiin Mustaqbal Ifaya oo ay wax badan ku qabsan karaan isagoo tusaale u soo qaatay markii la aas aasayay Shabkada 2013 iyo maanta halka ay mareyso oo uu shegay in ay ku talaabsatay Hormaro badan oo la taaban karo.

Gabagabdii Shirkasi ayaa waxaa soo xiray Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble oo Dardaaran u jediyaya Dhamaan Madaxdii Warbaahinada ee Shirkaasi ka qeybgalaya isagoo sheegay in aad u farxad gilinayso in uu arko Masuuliyiin ka tirsan Dhamaan warbaahinda somaliya oo ku Midoobay Hal shabakad isagoo shegay in tani ka Wasaarad ahaan ay aad u soo dhaweynayaan kuna baaqay in la sii dardar geliyo laguna soo daro qeybaha yare ee Warbaahinta Somalida ee ka maqan Shabakada.

Shabakada 2013 ayaa waxaa la Aasaasay Feb 2013 waxaa ku mideysan in ka badan 24 Warbaahin oo ka holwgala Magaalada Muqdisho iyo Dhamaan Gobolada Dalka Somaliya waxaana inta ay jirtay Shabakada ay heshay Taageero Dhinacyo badan ah oo ay ka mid tahay dhanka Dhaqaalaha iyo Tawobarada oo ay ka heshay Hay’ado badan oo Taageera Saxaafada oo ay ugu weyntahay Hay’ada Caalamiga ah ee Taagerta Saxaafada ee IMS iyo Machadka FOJO, Waxaana Muqstaqbalka dhow la rajeynayaa in ay ku talaabsato Horumaro wax ku ool ah oo lagu hormarinayo Warbaahinata Somaliya .

Network 2013 waxaa xubin ah 24 Warbaahin madaxbanaan oo kala ah Radio Codka Mudug, Radio Risaala, Radio Abud-waq, Radio Wadaag, Radio Jowhar, Radio Codka Gobollada Dhexe, Radio Galgadud, Radio Hurmo, Radio Kulmiye, Radio Mustaqbal , Radio Gool, Radio Iftin, Radio Kasmo, Radio Daljir, Radio Baido, Radio Codka Nabadda, Radio Star Fm – Kenya, Radio Star Fm – Somalia, Radio Hiranweyn, Radio Warsan, Radio Dhusamareb, Radio AlNuur, Radio Garowe, Radio IQK,

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawiro

1

2

3

4

5

6

7

8

9

BY: Hanad Abdi Faarah-Mugdisho Somalia

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news