Dahabshiil-Gif
 
|

Siyaasiga Axmed Fiqi oo iftiimiyay xog badan oo ku saabsan Soomaaliya

Axmed-Macalin-Fiqi2“Xog kooban oo asxaabta qaarkood ay iga dalbadeen inaan kala wadaago shirweynihii amniga ee 20 -23 April 14 lagu qabtey magaalada Muqdisho…

Wuxuu ku soo aadey shirweynaha Xoojinta Amniga ayadoo dalku uu marayo xaalad nabadgalyo oo aad u adag:

1. Gobolada bartamaha iyo koofurta oo ay dagaalo ka socdaan, dagaallada socdaa waa kuwo u dhexeeya Dawladda oo kaashaneysa ciidamada AMISOM iyo kooxda Alshabaab.

2. Dagaallo u dhexeeya maamullo isku heysta dhul, sida maamulka Somali Land iyo Khaatumo…

3. Waxaa jira maamullo is iska soo horjeedo oo si kala madax banaan looga dhawaaqayo gobolada qaarkood, iyo kuwo horey u dhisnaa oo laga cabsi qabo in murankoodu gaarsiiyo in birta ay isku boobaan..

4. Horey waxaa uga dhacayey gobolada qaarkood dagaallo ku saleysan hab-beeleed iyo

5. Arimo kale oo dalka ka jira oo nabadgalyada xiriir la leh kuwaasoo u baahan in lala yimaado siyaasad cad oo wax looga qabanayo sida: dhaqaalo xumada, Barakaca, cadaaladda, dib-u-heshiisiinta, caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda iyo ajnabiga lugta kula jira siyaasadda Soomaaliya.

Muhiimadda shirweynahani lahaa waxaa laga dheehan karaa arimaha amniga xiriirka la leh ee kor ku xusan, waxeyna wasaaradda amniga qaranku sida ay sheegteyba ayagoo dareensan baaxadda xaaladda amni ee dalka ay hindiseen qabashada shirweynahaan looga gol-lahaa dejinta istiraatiijiyadda amniga qaranka, ayadoo lagu casuumay maamulada gobolada intooda badan, bulshada rayidka ah qeybaheeda, wasaaradaha ku lugta leh amniga sida Gaashaandhiga iyo Amniga Qaranka, Arimaha Gudaha, iyo Cadaaladda, iyo dad waaya-arag u ah arimaha amniga oo dalka iyo dibadda looga yeerey, AMISOM qeybaheeda Militeriga iyo Booliska, iyo ugu danbeyn UNSOM.

Maalmihii afatra ahaa ee shirku socdey waxaa inta badan waqtiga la dhageysanayey khudbado ay jeedinayeen wasaaradaha dawladda, maamulada gobolada, bulshada Rayidka ah, AMISOM, UN-ka..waxaa ugu xiiso badnaa maamulada gobolada oo warkoodu u badnaa in ay yar tahey xiriirkooda dawladda dhexe, waxeyna caddeynayeen dhibaatooyinka amniga la xiriira ee goboladaas ka jira iyo sida ay diyaar ugu yihiin la shaqeynta dawladda..

Inta badan khudbadaha madaxda dawladda, AMISOM, iyo UN-ka wuxuu xoogga saarayeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, ayagoo dhamaan ay sheegeen in kooxda awooddeedii la wiiqey (Sacii dhintey caanihiisii), dalkana laga wada sifeyn doono sanadkaan gudihiisa..

Dhanka kale waxaa ka soo qeybgalayaashii shirka gaar ahaan xeel-dhaareeyashii xagga amniga loo qeybshey guddiyo dhowr ah, ayadoo guddi walbaba loo dhiibey mawduuc gaar ah, si ay u soo lafa guraan, waxaana looga doodayey qodobadaas si aad u heer-sareysa kuna dhisan aqoon iyo waaya-aragnimo, ka dibna waxaa hawl-wadeenadii shirku isku geeyeen nuxurkii talooyinka guddiyada ka yimid, ayadoo wasaaradda amniga qaranka loo gudbiyey, qodobada ugu muhiimsan ee ayagoo faahfaahsan loo gudbiyey wasaaradda waxaa lagu soo koobey war murtiyeedkii shirka ood ka dhageysan kartaan bogga radio Muqdisho oo lagu faafiyey: http://radiyomuqdisho.so/war-murtiyeedka-gebagebada-shirweynaha-qaran-ee-amniga-dalka-dhageyso/

Qodob Muhiim ah:
1. Soomaaliya waxey soo martey dagaallo magacyo badan wata, waxaana ugu danbeeyey kan hadda socda ee alqaacidda iyo alshabaab, laakin waxaa inta badan oo ka mid ah ka soo qeybgalayaashii shirka isla qireen in ay ka khatarsanaan doonaan is-marinwaaga ka dhalan doona si xun u fahamka iyo si xun u isticmaalka Federaaliisimka iyo ku fekeridda arin lagu kala goynayo dalka ama ama ku dhawaaqiddeedaba..

2. Wadaniyidda oo lagu sheegey in dadka Soomaaliya u dhashey ay wada dareemaan in ay u siman yihiin fursadaha dalkooda ka jira, si caddaalad ahna loogu qeybiyo, oo aysan noqon kuwo ku ekaada gobol gaar ah ama koox gaar ah, tanoo wax weyn ka tari doonta amniga iyo xasiloonidda dalka.

Hadaba qabashada shirweynahaan waxaan ku tilmaami karaa inuu ahaa guul inkastoo uu soo dib dhacey, waxaana guushu ay si ficil ah u dhameystirmeysaa marka la fuliyo dhammaan talooyinkii wax ku oolka ahaa ee ka soo baxey..”

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news