|

Siyaasiga Cumar Salaad Cilmi oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu u sharaxan yahay Doorashada Madaxweynenimo ee Dalka.

Siyaasiga Cumar Salaad Cilmi oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu u sharaxan yahay Doorashada Madaxweynenimo ee Dalka.

Musharaxa ayaa Garoonka Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) ku soo dhaweeyey xildhibaano, Saraakiil, oday dhaqameedyo iyo haween fara badan oo kor u sida Calanka Dalkeenna Soomaaliya iyo Caleemo qoyan.Siyaasiga Cumar Salaad Cilmi ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey waxayaaba ku dhaliyey inuu xilligan xilka Madaxtinimo ee Dalka isku soo taago, wuxuu sheegay in mar haddii da’diisii ay horay u badatay, dalkiina hagaagi la’yahay uu isyiri inta hartay wax ka qabo oo dalkaagii hooyo ku dhuumo.Wuxuu hadalkiisa intaa raaciyey mar haddii uu siyaasadda Dalka Cagaha lasoo galay taa macneheedu uusan ahayn inuu kursi doonayo, balse wuxuu sheegay inuu noqdo qowsaar sida uu hadalka u dhigay wuxuu xusay in aysan dadku isku mid ahayn dadka qaarna ay jecel yihiin inay kursiga lacag iyo maal ku aruursadaan nina inuu daacadnimo ugu fadhiyo oo dadka iyo dalka wax ugu qabto.

Xildhibaan Amiin Faarax Jeesow oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa wuxuu ka dhawaajiyey inuu rumeysan yahay haddii uu ku guuleysto doorashada soo socda Cumar uu wax ka badali karayo xaalka wadanka Soomaaliya.

Hadaba ayadoo ay jirto olole doorasho oo ay wadaan xubno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo ay shaaciyeen 30 bishan ay qabanayaan iyo sidoo kale doorashada lagu wado inay dhacdo bisha August ee Sanadkan oo ay ku egtahay xilliga ay shaqeynayaan hogaannada sare ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa hadana wuxuusan siyaasigu faah faahin ka bixin labadaa doorasho mida uu ka qeyb qaadanayo.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news