Dahabshiil-Gif
 
|

Odey dhaqameed lagu dilay gudaha Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ay maanta gudaha Magaaladaasi ku toogteen mid ka mid ah Odeyaal dhaqameedka ugu caansan Gobollada Jubooyinka.

Kooxo hubaysan ayaa gudaha suuqa Magaalada Kismaayo ku toogteen Suldaankii Beesha Sheekhaal oo ka mid ahaa Odyaasha dhaqanka beelaha Jubbooyinka waxaana Suldaanka la dilay lagu magacaabi jiray Suldaan Caamir C/raxmaan kaasi oo ahaa suldaanka Guud ee Beesha Sheekhaal ee Gobollada Jubbooyinka.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay baxsadeen kuwii dilka geeystay iyadoo ay hataan Magaalada ka bilowdeen baaritaano ay wadaan ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ee Jubba kuwaas oo wada baaritaano ku aadan sidii ay ku soo qaban lahaayeen kooxdii ka dambeesay dilka Suldaanka.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news