TAARIIKH NOOLELEEDKII MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG SARREEYYE GAAS CABDI XASAN CAWAALE (QAYBDIID).
TAARIIKH NOOLELEEDKII MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG SARREEYYE GAAS CABDI XASAN CAWAALE (QAYBDIID).
Gen. Cabdi Xasan Cawale oo ku magac dheer Qaybdiid wuxuu ku dhashay Degmada Galkacyo ee gobolka Mudug sannadkii 1948.
Waxbarashadiisii dugsiga quraanka wuxuu ku dhamaystay isla magaladaasi Galkacyo..
1959-kii ilaa 1964-tii wuxuu Cabdi Qaybdiid ku jiray college-kiii Orfano Maschile (“Italian College) ” ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo dhamaystay waxbarshada Dugsiga hoose (fasalka 5-aad).
1964 Cabdi Qaybdiid waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii loo qaatay Ciidammada XDS, wuxuuna tababar ciidan ku qaatay dugsigii la oran jiray Botiko, hadana loo yaqaan Xalane,1971-dii wuxuu qaatay Shahaada Dugsiga Dhexe ee Fasalka 8-aad ee Magaalada Baydhabo
1972–1974 wuxuu shahaadada dugsiga Sare ka qaatay British School College Nairobi, Kenya. (Correspondence). (Aqoon Dirsad)
1978 Ilaa 1979 wuxuu galay Kulliyaddi Ciidammada ee Jaalle Siyaad, isagoo qaatay darajada Xiddigle,ayadoo markii hore uu waqti dheer ahaa sarkaal xigeen, ka soo shaqeeyay dhammaan noocyada Ciidammada Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Janaayo 1980-1988 waxaa loo baddalay safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha gaar ahaan xaafiiska u Qaybsanaha Arrimaha Ciidammada (Miletary Attachee) oo uu Xoghayaha 2-aad Safaaradda ku shaqeynayay.
Jannaayo, 1989 dalka ayuu ku soo laabtay waxaana loo bedelay Hoggaanka Xariirka Dibadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Agoosto, 1989 wuxuu ka goostay dawladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre isagoo ah Gaashaanle Dhexe markii ay u cuntami weyday in uu iska sii joogo xaaladihii dalku markaas ku sugnaa awgeed, wuxuna ku biiray Saraakiil iyo Siyaasiinta Isbedel-doon ah oo mucaarad noqday dawladdana ka soo horjeestay,gaar ahaan garabkii Hubeysna ee USC,wuxuuna ka mid ahaa Aasaasayaashi Jabhaddii Dhaqdhaqaaqi Waddaniga Soomaaliyeed isagoo ahaa Taliye Ciidan Ilaa Dawladdii la riday sanadkii 1991-dii.
Julay 1991-dii Wuxuu xubin ka noqday Golihii Baarlamaanka USC Shirweynihii lagu qabtay magaalo madaxda Muqdisho laguna mideeyey Garbihii USC,Guddoomiyahana loogu dooortay Gen Maxamed Faarax Caydiid.
1991-dii, waxa uu ka mid noqday dawladdii Cali Mahdi ee Jabuuti lagu soo dhisay wuxuuna noqday Wasiirka Wasaarada -Gaadiidka Cirka iyo Dhukja ee Soomaaliya.
1992ilaa-1994-tii waxa uu ahaa Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee maamulkii Ururkii USC/ SNA United Somali Congress iyo Somali national alliance.
1997 shirweynihii Qaahira ee lagu dhisay Mamulkii Gobolka Banaadir waxa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ..
2000 ilaa 2001dii wuxuu ka qaybgalay shirwaynihii nabadda ee Carte Jamhuuriyadda Jabuuti lagu qabtay, wuxuna noqday xubin kamid ah baarlamaankii Soomaaliya.
2001 Ilaa 2004 waxa uu noqday Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Banaadir ayadoo loona dallacsiiyay Gaashaanle Sare Islamarkaana wuxuu iska casilay xubinnimadii baarlamaanka Somaaliya.
2007- waxa loo magacaabay Taliyahii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed isagoo loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Guuto.
2009-kii waxaa loo dallacsiiey darajada Sarreeye Gaas.
2009 ilaa 2010-kii wuxuu noqday Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Federaalka.Kmg ah ,xilligaas oo ahayd mudadi uu xalliyey khilaafkii ka dhex jiray Mudanayaasha Maxamed Ahmed Caalin iyo Axmed Shariif Ali Hilowle
Oo la isku qabsaday Madaxtinimada Dowlad gobaleedka Galmudug..
Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid muddadaas uu ku soo jiray hawlaha kala duwan wuxuu waxbarasho, aqoon kororsi, seminaaro, shirar caalamiya iyo shaqaba u tagay, dalalka kala ah:Talyaaniga,Sweden, Masar, Turkiga,Maleesiya,China,Singapore,
Ukrain Liibiya,Ethiopia,Kenya, Yugaanda ,Pakistaan,Qadar,UAE,Tanzania Jabuuti, iwm..
2011ilaa 2012 Mudane Cabdi Qaybdiid, wuxuu safarro hawleed ku tegay Deegaanka Galmudug 7 jeer oo kala duwan,Safarradaas oo isugu jiray Isagoo ahaa xilliyadaas Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Federaalka kmg ah iyo isagoo u tegay inuu caawiyo Maamul Goboleedka Galmudug,wuxuuna ka qabtay waxyaabo la taaban karo waxaana ka mid ah:
1.-Dhismaha Saldhigga Booliska Gaalkacyo, Tababarro 120 Askari oo UN-ku soo tababaray haddana mushaar ka qaata UNDP.
2.-U dirid tababar dibeddasaraakiil ka tirsan Booliska Galmudug. Xareynti iyo Tababariddii Ciidammada Miliishiyada iyo Hubkooda Galmudug oo markii u hoorreysay u suurtagalisay in ay wax yaabo badan qabsato noqotana Dawlad Goboleed laga aqoonsaday dalalka caalamka iyo Hay’adaha UN.
Luuqadaha:
Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid: Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa qoraana luqadaha kala ah: Soomaaliga iyo Ingiriiska,wuxuuna fahmaa luuqada Talyaaniga Shiinaha iyo carabiga
.
Ugu dambayntii Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), wuxuu oggolaaday in uu isku soo sharraxo Madaxweynanimada Maamul Goboleedka Galmudug markii qaybo badan oo bulshada Galmudug ka mida ah, ay ka codsadeen inuu xilkaas isku soo taago, iyagoo u arkaya in Cabdi Qaybdiid wax weyn iyo horumar ku soo kordhin karo maamulka iyo guud ahaan bulshada Galmudug iyo Soomaaliyaba.
ASC waa nasiibdaro aad u wayn in ruux inkabadan sadex u dhig hal meel (1/3) kusoo qaatay bur-burinta dalka Soomaaliyeed iyo laynta dadka shacabka ah in uu maantay isu soo taago maamulka GM si hanbadii yarayd uga dhigto jaranjar uu markale ku gaaro Muqdishu si uu uga helo xil wasiirnimo. Waxaan filayay in Cabdi ay kufilnayd wiilashii sida xaabada ah u shidanayaysida xilal wasiirnimo ee uu sheegatay in uu soo qabtay laga bilaabo ALi Mahdi illaa Shariif Axmed xilalkaas oo uusan wax uu maantay sheegi karo ugu qaban shacabka Soomaaliyeed iyo kan GM midkoodna.
jananku wax badan ayuu qabtay hadana waxaa u yaala hawl adag oo u baahan adkaysi iyo in lagu qabto gacan bira waxaan leenahay alaha kuguuleeyo.
waqtiga jananku xilkaan isku taagay waa xili ku haboon loona qabo baahi farabadan ee xaga nabag galyada ah. hadii uu wax kaqabto taariikhdaa xusidoonta……….waarimayside war hakaaharo janankaw.;
taarikh wangsan wax qabad wangsan manta munaasib u ah inuu qabto xilka galmudug waana mid lahubo inuu asaga oo xil an ka ahay galmudug siduu wax oga badalay uu marka xilka qabtana kartida lagu yaqaan horay usii dhaqajin doono geedi socodka iyo huru marka GLMUDUG ..rer galmudugna wxan kula tali lahaa inay garab is tagan S/GUUTO C/QAYDIIIID
Hal iga qaata: Gal-Mudug inuu ninkaas dadkeeda kala fogeeyo mooye wax wanaaga kama soo bixi. Ogaadana in qalalaaso lagu jiri doono inta uu xilka uu hayo. Waxaa loo baahanayahay dad dhexdhexaad ah. Waxba ku eedeysneyn. Cidna waxba ka galabsan.
GALMUDUG MARNABA MA OGOLAANAYSAN NIN MILITARY.
NOOOOOOOOOOOO!
ninkaanmesha waxku qoray waxuu kabensheegay waxaabo badan sida waqtiga dhalashad iyo waxyaabo kale intaba cabdi wuxuu dhashay 1940
dhalashadiisina buuqbaa kadhashay ilaahadana shidadiiuu laddhashay ma dhamaan.
tankale jabhadaynii uu uga taqlusay Gen. cadiid maku xusna meesha1996 iyo isbahaysigii ladagaalanka waxa looguyeero argagixisada ee 2006.uu dhisay jenaraalna maahan maxaayeelay maxaayeelay daraasadda jennaraallnimadu ubbaahantahay ma soodhigan oo akkadeemi maahan waxaana shaatiga xun u siibay sarkaalii itoopianka ahaa ee uu jidka sootusay markay xamar qabsanayeen caddawgu 2006 . xabsigii sweden 2005.marka waxaan raynayaa indadka aqqoonta u leh waxa qoraan sargaalkan dalkiisa khayaamay.
JANANKA WAAN SOO DHAWYNAYNAA IN UU QABTO HOGAANKA WALAALLAHAYO GALMUDUG.
LAAKIIN WAXAAN U SHEEGAYNA GEN. QAYBDIID IN UUSAN U HOGAANSAMIN AWAAMIIRTA MAJEERTEENYA. OO UU U SINO REER PUNTLAND GALMUDUG IYO SOOMAALI OO DHAN SIDA ALAHA DAAYEE MADAXWEYNE CAALIM OO KASBADAY DHAMAAN SOOMAALIDA NABADA JECEL. OO DHAN
GEN. WAXAAN KU TUHMAYNAA GACANSAAR BEEN BEEN AYAGA KA AH ASAGANA DHAB KA AH IN AY LEEYIHIIN MAJEERTEENYA SIYAASADAADA ADKEYSO GENERAALE
Waxaa hubaal ah Cabdi Qaybdiid in uusan waxii lagu yaqiinay waxan ahayn kuso kordhindoonin dadka iyo dagaan kaba , asaga oo ku caan baxay damac aan aqoon lahayn hawo, hunguri xumo, qalooc, qilaaf iyo qabiil intaa ruux qabaa maxuu qabankara qaran ma hagikara waa maya.
ASC Waxaan dhamaan idinku salaamay sanalaanta islaamka kadib:
C/qaybdiis waa nin Dagaal iyo barakac taariikh u leh sida aan ku naqaano marka waxaan leeyahay dadaka reer galmudug labaxayoow hada nabad ayaad ku joogtaan ee ka fiirsada ninkaas doorashadiisa hadii kale ismaadin ka socota shabaab iyo dulaan lagu qaado dadka dariska ah u diyaargarooba waxaan aidnkula dardaarmayaa in aad sii dhisataan kaamka aad ka dagilaheydeen tuulooyinka ceelgula iyo wisil
ASC waxaa dabcan qofka taariikhda meesha ku qoray waa ninka Murasha ah Qudhiisa asaguna taariikhdiisa maddow ma soobandhigayo marka wadadak Calidhuux M Sheekhcabdi iyo inta lamidka ah ee daraaseeya arrimaha siyaasada waxaa lagudboon in ay soobandhigaan waxa ay ka garanayaan ninkaan taariikhdiisa. Waxaa cad in wax aan shido iyo qax ahayn uusan soo kordhinayn C/qaybdiid waayo iyada uun buu garanayaa waliba qaxa dadka ayuu hanti kasamaystay. Sanadihii u danbeeyay waxaa dhacday in reer galmudug aysan u keenin Jananka wiil badan oo uu shacab ku xasuuqo marka waan ay qaladaas gudaan ama ay iska soo eriyaan. awalba GM in waxaa loo dhisay in badda lagu galo.
Cabdi Xasan Cawaale wuu uqalmaa booska musharaxa madaxtinimmo ee Galmudug waana soo dhaweynayaa.Ilaahay haku guuleeyo.AAMIIINNNNNNNNNNNNNNN