Dahabshiil-Gif
 
|

Taliyaha Booliska Kenya oo xilka iska casilay iyo Wasiir Xilka laga qaaday

Kimaiyo-and-Ole-lenku1

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee dalka Kenya, Joseph Ole-lenku ayaa maanta shaqada laga eryay , Halka taliyihii ciidanka booliska Ee Dalkaasi, David Kimaiyo uu is casilay, kadib 38 qof oo saakay lagu dilay weerar kale oo ka dhacay duleedka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo qudbad ka jeediyay Aqalka Madaxtooyada ayaa aqbalay is casilaadda taliyihii booliska, isagoo wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay xildhibaanka laga soo doorto Kajiado, Major General Joseph Nkaissery oo xili hore ka fariistay howlaha ciidanka.

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa u codeyn doono Joseph Nkaissery.

David Kimaiyo taliyihii ciidanka booliska oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay inuu iskiis u ga’aansaday shaqo ka tagista.

Uhuru Kenyatta ayaa qudbadiisa ku sheegay in falalka ay geysanayaan Argagixisadu ay yihiin kuwo ka dhan ah dadka Kenyaanka ah, sidaa darteedna loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Dadka muslimiinta ah ayuu u jeediyay inay ka qeyb qaataan dagaalka lagu jiro kuwa mayalka adag, wuxuuna xusay in diinta Islaamku ay tahay diin nabadadeed.

Toban maalmood ka hor ayaa weerar ay sheegatay malleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka magaalada Mandera waxaa lagu dilay 28 qof oo u dhalatay dalka Kenya, kuwaas oo marka la dilay u safrayey magaalada Nairobi caasimadda u ah dalka Kenya.

XAFIISKA WARARKA GAALKACYO

BY: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news