|

TARIIKH NOLELEDKI & WAX QABADKI MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG MUDANE: ABDISAMAD NUR GULEED

TARIIKH NOLELEDKI & WAX QABADKI MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG MUDANE: ABDISAMAD NUR GULEED

 

Waxaan kudhashay magalada galkacyo e gobalka mudug 1960 , waxan dugsiga hoose kusoqatay bardacad school ee galkacyo , dugsiga dhexe waxan ksuo qatay saqawudin school ee muqadisho , dugsiga sare waxa kusoqatay Omar samatar secondary school ee galkacyo  , marki an dhamestay waxbarashadaydi dugsiga sare ayan muqadisho waxa kuqatay 2bo sano o course management ah e muqadisho management school   1982 ayan katagay wadanka Somalia waxana ganacsade kanoqday wadanka Kenya

Waxana ahaa as asihi company gi logu magacdaray east Africa transportation and Carrier Company o an ka aha chief executive officer in kabadan 20 sano  ,

2002 ayan wadanka Somalia dib ugu so noqday gar ahan muqadisho aniga o ah general manager of silver elephant company lantisa Somalia e muqadiho

Ugudanbenti waxan dib ugu labtay magalada galkacyo dhamadki 2005 ti halkas o an kanoqday head of consultation department of SCDO organization,

14/8/2006 marki ladhisay mamulka Gal-mudug waxan kamid noqday Baarlamaankii markaas ladhisay ,
waxaana la ii doortay gadoomiye ku xigeenka labaad ee Baar lamanka Galmudug
, isbuuc kadib misana  waxaa la ii doortay Gadoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka galmudug
Gadoomiyihii ayaa tagay markii uu tagay kadib waxan noqday kusimaha Gadoomiyaha Barlamaanka
anigoo ah ku simaha Gadoomiyaha Barlamanka ayaa hadana waxaa tagay madaxwaynihii Galmudug maxamed warsame kiimiko
taarikhdu markii ay ahayd 6/3/2007 waxan noqday kusimaha madaxwaynaha Galmudug,

madaxwaynuhu wuxuu soo noqday 2/11/2008 intii uu maqnaa oo ahayd sanad iyo sideed biloood
wax badan baan qabanay waxaana ugu muhiimsanaa shirkii Bandiiradley shirkaas oo ay kasoobaxeen qodobo muhiim ah:
 1: sida ciidankii oo laxareeyey 
 2: isbaarooyinkii oo laqaaday
 3: canshuurtii oo bulshada laga qaaday
 4:  amanki o lasugay
 5:  Beelaha dariskaa oo nabad lala saxiixday
3 sano kadib doorasho ayaa laqabtay tarikhdu markii ay ahayd 14/8/2009
waxaana la ii doortay madaxwayne kuxigeen 
marikii la iidoortay madaxweyne ku xigeenka wax badan ayan wax ka qabanay oo ay ugu muhiimsantahay
 aqoonsi buuxa in uu helay Maamulka Galmudug 
waxana ka mid noqonay saxiixayaash rowdh maabka ka kooban lix ximnood
sido kale Arimaha bulshada wax wayn baa laga qabtay sida waxbarasha Dugsiyada sare iyo jaamacadaha oo aan horay oga jirin deegaamada Galmudug
sidoo kale caafimaadka isna waxbaa laga qabtay sanadku markuu ahaa 2011 
16 goobood MCH ah Hooyada iyo Dhalaanka sidoo kale ceelal farabadan baa laga qoday Deegaanada Galmudug
 Sodoo kale waxaa  jiray  caqabado  xaga  bulshada ah 
Taas oo aay  ugu wacantahay
20 sano oo  aysan arag  Dowlad

Luqadaha

Musharax abdisamad nur guleed: waxa u si fican ugu  kuhadla , qorana luqadaha kala ah Somaliga iyo englishka iyo Kiswahiliga , waxuna fahma luqadaha Urdu iyo carabiga .

Waxyabaha aan qabandono hadi la’i doorto dorashada

waxan  abuuraynaa  kaaba yaal  dhaqaale  sida  Dakad  iyo   Ayrobooro iyo wadooyinka oo ladhiso  mamulka galmudug.

waxan  xooga saarayaa dib uheshiisiinta Beelaha Dariskanala ah iyo kuwa ladagan  Dowlad Gobaleed ka Galmudug.

hubkadhigis qabaa ilada lagu sameyo ,  lona sameyo ciidan yar  oo tayo fiican leh  mamulka galmudug oo ay tabaraan  saraakiil sar sare.

waxan  Maamulka galmudug  Gaarsiinaynaa in u kashaqeyo ilaa galgadud.

 Galkayo  waa caasimada Dowlad  Gobaleed  oo  Tastuurku   qorayo 
Waana  Magaalo  Ganacsiga  ku  fiican  waxan  samaynayaa magaalo kale oo ay Dowladu  ku shaqayso si kumeel Gaar ah.

Dowlada dhexe e Somalia waxa layelaneyna  Xiriir  Rasmi  Ah  iyo wada  shaqayn toos ah.

waxan  samayn doonaa da’daalo rasmi ah o ay Hayadaha  UN   in ay Deegaamada galmudug  Soodagaan.

waxan  ladagalamaya   Burcad Badeeda isla markasna usamendona janisyo  shaqo abuuris ah daman dhalinyarada  galmudug.

waxan  ladagalamaya argagaxisada & xaalufinta  Dhirta  iyo  Duurjoogta.

Ugu  Danbayntii  3sano  oo aan Xilkas  uhayo  markii  ay dhamato  in shacbigu ay wax doortaan si Dimuqraadi  ah.

waxan  Balan  Qaadayaa  hadii  la  idoorto  in aan  wax ka  Qabanayo Qodobadas oo Dhan
Wabi laahi  towfiiq.

 

 

 

 

 

2 Responses for “TARIIKH NOLELEDKI & WAX QABADKI MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG MUDANE: ABDISAMAD NUR GULEED”

  1. hanad says:

    kkkkkkkk odeyga waxuu rabuu noosheegay maxuu uqaban waayay intuu ahaa madaxweyne kuxigeen war ilaahay haka cabsadeen dadka madaxda rabba oo waxa ey kitaabka gacanta ugaliyeen haqabteen si taariikhdu uxusto

    • abdile says:

      haaha mr , hanad wa runta o we wanagsantahay in qofkasta alla kabaqa sammeyana wixi u udharat waxna uqabta dadkisa iyo dlakisa , balse xususnow mr abdisaamd marku aha madaxweyne kuxigenka galmudug wax latabankaro wu qabtay misane awoda isaga mwada laen o waxkasta mqabankaro wayo waxa mesha jogay madaxweyne an ogalen in lafara dafo marka sas ufaa , ilaheyna galmudug asiyo madaxwne cadalad ah o sarciga islamkana kudhaqma samata bbixiayyana umadisa.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news