Dahabshiil-Gif
 
|

Turkiga oo muranka Khaliijka u qabtay ilaa dhamaadka Ramadaan

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajeb Dhayib Erdogan ayaa waxaa uu Waddamada Carabta ugu baaqay in ay soo afjaraan xiisadda ka dhaxeysa ee ay ku go’doominayaan Dalka Qatar.

 

 

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa uu Magaalada Istanbuul kula kulmay Wasiirka arrimaha Dibadda Baxreyn oo ka mid ah Waddamada xiriirka u jaray Qadar.

 

 

Wasiir arrima dibadeedka Baxreyn ayaa dowladda Turkiga ka dalbaday in ay taageerada ka joojiso Qadar ilaa ay Qadar ka damaanad qaadeyso joojinta taageerada Argagixisada waxa ay ugu yeereen.

 

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in ka hor dhamaadka Ramadaan la soo afjaro xiisadda Qadar iyo Carabta inteeda kale ka dhaxeysa.

 

 

Turkiga waxaa uu kordhiyay Biyaha iyo Cuntada uu u dhoofiyo Dalka Qadar,iyada oo sidoo kale Iiraan ay kordhisay Cuntada ay u dirto Dalka Qadar.

 

 

Sidoo kale Baarlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay in Ciidamada Dalkaas ay galaan Qadar,halkaas oo ay horay saldhig ciidan ugu lahaayeen lana kordhiyo tirada hadda joogta.

 

 

Turkiga waxaa uu si bareer ah u garab istaagay Qadar,halka Waddamada Islaamka ay ku kala qeybsameen Colaadda Diblomaasiyadeed ee uu Donald Trump ka dhex dheliyay Carabta.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news