Dahabshiil-Gif
 
|

Waa Sidee Xaalada Cadaado Xili Ciidamo aad u badan ay ku sii Qul qulayaan iyo Madaxweynaha oo Kuwajahan Halkaasi…..

cadaaaaado

Waxaa magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, gaaray Boqolaal Ciidamo ah oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Ciidamada ayaa ka kooban Nabadsugida iyo Militeriga, waxaana garoonka Cadaado ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen, Xildhibaano, Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Maamulka.

Ciidamada Madaxtooyada Somalia ka socdo, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan sugida ammaanka Magaalada Cadaado, bacdamaa maalinta Arbacada uu ka furmi doono shirka lagu doonayo in Maamulka Gobolada Dhexe lagu soo dhiso.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Magaalada Cadaado, iyadoona ay iska kaashanayaan Ciidamada DF Somalia, AMISOM iyo kuwa Maamulka.

Arrintaani oo idil ayaa imaaneysa, xili Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud maanta laga sugaayo Magaalada Cadaado, si maalinta bari ah halkaasi kaga furo shirka.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news