Dahabshiil-Gif
 
|

Wafdi Ka Socday Dallada Jaamacadaha Iyo Cilmi Baarista Oo Galkacyo Gaaray +Sawiro

00

wafdiga ka socday dalladda Jaamacadaha iyo cilmi baarista Soomaaliyeed oo loo yaqaan “Somali Research and Education Network (SomRen)”.ayaa soo gaaray magaalada galkacyo  Wafdigaas oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jaamacad SIMAD mudane Cabdirixman Xuseen Odowaa unna wehliyay madaxa qeybta waxbarasha Jaamacad SIMAD  mudane Mohaxmed Ibrahim Nuur, ayaa booqasha ku tagay  Jamacada Gaalkayo (GU) kuwaasi   ujeedada ugu weyn Safarkoodu u ahaa   in  ay soo qiimeeyaan heerka iyo tayada waxbarasho ee Jaamacadda Galkacyo(GU).

Wafdigaas oo mudo seddex maalmood ah u guur galahayay howlaha baaxadda weyn ee ka socda Jaamacadda Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin horumarka ballaaran   oo ay ku tilaabsatay Jaamacadda Gaalkayo mudadii yareyd oo ay jirtay. Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen dhismaha weyn ee jaamacadda Gaalkacyo, Isbitaalka loo adeegsado waxbarashada caafimaadka (teaching hospital) iyo macalimiinta leh aqoonta iyo khibradda dheeraadka ah oo barayaasha ka ah jaamacadda.

Wafdiga mudadii ay joogeen gobolka ayay waxay soo kormeereen isbitaalka weyn ee koofura Galkayo, Isbitaalka takhsuska ee Galkayo Specialist Hospital (GSH) iyo dhulka weyn oo ay leedahay  jaamacadda Galkayo ee ku yaala tuulada ceel Ikhwaan

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa uu kula kulmay  xarunta madaxtooyada Galmudug masuuliyin ka  tirsan maamulka Galmudug uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdisamed Nor Guuleed  iyo gudoomiyaha baarlamaanka madane xassan Hayl  halkaas oo la isku dhaafsaday talooyin ku wajahan sidii loo tayayn lahaa waxbarashada  sare ee Somaalia gacana loo siin lahaa Jamacada Galkayo oo U taagana hormarka waxbarasha deegaananada  Galmudug.

Booqashadaas oo socotay mudo seddex maalmood ah ayaa waxay ku soo dhammatay guul iyo isafgarad ayadoo guud ahaan lagu heshiiyay in la wada yeesho iskaashi hoose si sare loogu qaado tayada waxbarasho ee Soomaaliya guud ahaan gaarahaan in la kobciyo waxbarashada deegaanada Galmudug

Halkan Hoose ka Daawo Sawirada

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

3 2 1

4 5 7 6 8 9 11 10

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news