Dahabshiil-Gif
 
|

WAR DAG DAG AH::Weerar Lagu Qaaday Hotelka Maka Almukaramah Ee Magaalada Muqdisho

DAG DAG

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Muqdisho Ayaa Sheegaya in Weerar loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa lagu qaaday Hotelka Maka Al-mukaram ee magaalada Muqdisho, qaraxa gaariga kadib ayee dabley hubeysani galeen Hotelka iyaga oo rasaas furay sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaa ah.

Cabdinuur oo joogay qaybta Shaaha lagu cabo ayaa yiri:” Albaabka dambe, ee xiga jid caddaha ayaa qaraxa ka dhacay, waxa aan joogay qaybta lagu qaxweeyo aniga iyo dad kale oo badan, markii qaraxu dhacay ayaa waxa xigay rasaas aan ka maqlay gudaha Hotelka, aniga iyo dhowr qof oo kale waxa aan isku xitnay qol! haddana qolkii ayaan dareenay in ay xabaduhu ku soo dhowaanayaan, daaqadda oo noogu dhoweyd meesha aan ka bixi karno ayaan ka soo boodnay, waana bedqabnaa”

Ciidanka nabadgelyada ayaa waxa ay xireen jidka weyn ee Maka ALmukaramah iyo sidaas oo kale jid caddaha soo gala Hotelka Maka Almukaram, iyada oo hadda uu hakad ku jira dhaqdhaqaaqa jidkaasi.

Maanta oo jimcaha dadka Muqdisho waxa ay fasax ka yihiin shaqooyinka iyo waxbarashada, sidaa awgeed waxa dhacda in markan oo kale uu dhibaato kale keeno hakadka waddooyinka.

Hotelka Maka Almukaramah waxa sidan oo kale lagu qaaday weerar gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news