war deg deg ah
Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo socda ay saaka ku jarmaadeen degmada Balcad, waxana la sheegayaa in si nabadgalyo ay u qabsadeen halkaas oo wax dagaal ah uusan ka dhicin.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada isbaheesiga ay hadda gudaha ugaleen degmada oo ay howlgalo ka wadaan sida ay inoo sheegeen saraakiisha hormuudka ka ah howgalka ka socda degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe.
Goobjoogayaal ku sugan Balcad oo la hadlay RBC ayaa sheegay Al-Shabaab in ay xalay faarujisay degmada Balcad markii ay ku soo dhowaadeen Ciidamada Huwanta oo ku soo socday wadada dheer ee Laamiga Muqdisho iyo Balcad.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay durba fariisimo ka sameystay saldhiga degmada iyo Buundada Balcad.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay u dhaqaaqeen wadada xiriirisa Jowhar ee looga baxo Balcad, halkaas oo hadda laga dareemayo dhaqdhaqaaq xooggan.
Xaaladda magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay ka jirto kacsanaan, oo lagu arkayo ciidamo badan oo Shabaab ah kuwaas oo isku diyaarinaya duulanka ku soo fooleh Jowhar.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay in ay gacanta ku dhingaan guud ahaan gobalka Shabeelaha Dhexe oo dhan.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan qabsashada ciidamada huwanta ay qabsadeen degmada Balcad oo ah magaalo muhiim ah.
Al-Shabaab dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga qabsaday horaantii sanadkan kuwaas oo ay ka arriminaayeen shantii sano ee la soo dhaafay.