Dahabshiil-Gif
 
|

War Deg Deg ah Kooxo Hubaysan oo Gaari Qaad siday ku dhiftay Baasuuke agagaarka Afbarwaaqo

imagesWar deg deg ah oo naga soo gaaray Magaalada Afbarwaaqo ee Galmudug ayaa sheegaya in Rag ganacsato ah oo wateen Gaari Jaad siday oo xalay ka soo baxay Magaalada Gaalkacyo kuna soo jeeday Magaalada Afbarwaaqo ayaa kooxo hubaysan oo wadada galay ay ku dhifteen Qori Baasuuke ah waxaana halkaas ku dhinteen labo nin oo ka mid ahaa dadkii watay gaariga halka qofkale oo isna ka mid ahaa rakaabka uu ka soo gaaray dhaawac halis ah.

Falkaan naxdinta leh oo saaka ka dhacay agagaarka Magaalada Afbarwaaqo ayaa sida la xaqiijiyay waxaa geeystay dableey hubaysan oo aan haytooda la garanayn kuwaas oo galay wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Afbarwaaqo Gaari waxaana markii shilku dhacay ka dib goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Galmudug iyadoona ay baxsadeen kuwii falka geeystay.

Waa markii ugu horeesay oo fal noocaan oo kale ah uu ka dhaco deegaanka Afbarwaaqo waxaana sidoo kale qaboojinta xiisadan ku howlan Odeyaal iyo wargarad ka soo jeeda deegaanka si aanay udhicin arrinkaan oo kale.

Codkamudug

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news