Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka degmada uu ka dhaca
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka degmada uu ka dhacay is-badal kaddib markii lagu arkay gaadid dagaal iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo magaalada ku sugan.
Goobjoogayaal ku sugan ceelbuur ayaa sheegay in tirro gaadidka dagaalka ay gudaha u soo galeyn magaalada saakay markii ay isga baxeyn halkaas ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna.
Bixitaanka ciidamada isbaheesiga ayaa la sheegay in uu la xiriiro markii uu soo dhexgalay khilaaf labadaas dhinac ah, taasna ay sababtay in dhamaan ciidamadii Ethopian-ka ay ka baxaan halkaas.
Dhowaan ayaa waxaa jirtay in ciidamadii Ahlu Suna ay intooda badan isaga soo baxeen degmada Ceelbuur isla markaana ay ku soo laabteen degmada Guriceel oo ay markii hore ka tageen.
Xaalada magaalada Ceelbuur ayaa saaka kacsan, waxana illaa hadda aan la sheegin ciidamada soo galay gudaha magaalada wax dhadhaqaaq ah oo ay sameeyeen, mana jirto wax hadal ah oo ay siiyeen saxaafadda.
Goobaha ganacsiga iyo xarumaha wax-barshada ayaa saaka ah kuwa teel-teel ah oo aan dad badan ay immaanin, Majirro wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna ee ka arrimiyaha gobalka Galgaduud ee bartamaah Soomaaliya.
Degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ayaa ayaa labo bil ka hor waxa dagaal ka dhacay laga saaray Al-Shabaab, waxana ay ka mid ahayd degmadaas meelihii ay ku xooganaayn kooxdaas marka loo eego awooda ay leeyihiin gobalka Galgaduud.