Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug oo sheegay in Tababar loo qabandoono Golaha Deegaanka Gaalkacyo
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug Max’Mahad Gaaraxo oo la hadlayey Wargayska Xidiga ayaa u sheegay in Tababar ay u furayaan Mas’uliyiinta Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug State.
Tababarka Wasaarada arimaha Gudaha ay u qabanayso Konsolka Degmada Gaalkacyo waxay ujedadiisu tahay sidii loo tayeyn lahaa islamrkaana loo barilahaa habka ugu wanaagsan ee ay u dooranayaan Maayarka iyo 2diisa ku xigeen taas oo ay muhiimtahay in kosolku uu fikir fiican ay ka haystaan habka codeynta doorashada yo guud ahaan shaqada guud ee ay u qabanayaan Bulshada ay matalaan oo u baahan samatabixin .waxaana manta oo sabti ah siminaarku ka furmi doonaa Xarunta Bulshada Degmada Wadajir siminaarka oo socon doona 5 maalmood oo lagu kala qaban doono 4ta degmo ee ay ka koobantahay Degmada gaalkacyo Galmudug State.
Siminaarkaan ayaa Noqonaya markii ugu horeysan ee konsolka Degmada Gaalkacyo ay helaan tababar aqoontooda kor loogu qaadayo tan iyo markii ladhisey maamulka Galmudug State Soomaaliya.
