|

Wasiirada dhaliyarada, shaqada iyo sportiga ee dowlada ku meel garaka aha iyo Galmudug mudane Maxamud Jirde Xusean iyo Muadane Sadaq Dahir Mire

Wasiirada dhaliyarada, shaqada iyo sportiga ee dowlada ku meel garaka aha iyo Galmudug  mudane Maxamud Jirde Xusean iyo Muadane Sadaq Dahir Mire ayaa kulan ku yeeshay xaafiiska Wasiirka Dhalinyarada, shaqada iyo Sportiga ee DKS.

Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan labada wasiir ayaa waxaa looga wada hadlay guud ahaan Sportiga Soomaaliya iyo kan Galmudug. Wasiirka Dhalinyarad, shaqada iyo Ssportiga Galmudug ayaa Mudane Sadaq Dahir Mire ayaa war bixin dheer oo uu siiyay Wasiirka DKS mudane Xuseen ayaa waxaa ka mid ayaa Ciyaarihii Gobolada dhexe ee dhawaan lagu qabtay Galmudug, Dhismaha Garoonka Ciyaaraha ee Cabdulaahi Ciise IWM.

Mudane Sadaq oo horumar wayn kasameeyay intii uu xilka hayay kor u qaadista maskaxda dada yar iyo dhiiri galinta dhalinyarada ayaa ka codsaday wasiirka in sidii koob ciyaaareed loogu qaban lahaa Gobolada dhexe kaasoo ay marti galinayso Galmudug.

Mudane Saadaq ayaa sidoo kale ka codsaday wasiirka in xuquuqda Sportiga Galmudug ay noqoto mid lama taabtaan ah isla markaana ay dawladu meel cad saarto agabka Sportiga Galmudug, sidoo kale Mr saadaq ayaa muujiyay in ay jiraan Dhalinyaro badan oo looqaadan karo ciyaaraha qaranka kuna sugan Galmudug taasoo u baahan in il gaar ah lagu eeegto.

Codkamudug Radio

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news