Dahabshiil-Gif
 
|

Wasiirka Amniga Al-Shabaab waa ay ku fashilmeen iskudey weerar oo ay madaxtooyada la damacsanaayeen”

download (5)Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar naf lacaarinimo ah oo ay Argagixisadu isku dayeen in ay ku soo qaadaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay ciidammada Qaranka fashiliyeen maanta.

“maleeshiyaad naf lacaarfi ah oo nabad diidka ka tirsan ayaa Qarax fashilmay ka geystay dhabarka dambe ee ilinka madaxtooyada, hasa yeeshee ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa khaarajiyey dhammaan maleeshiyaadkii falkaasi ku kacay, xaaladda hadda aad ayeey u degan tahay, shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay isdajiyaan isla markaana ay gacan siiyaan ciidammada amniga Qaranka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka Amniga Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho.

Wasiirku  waxa uu sheegay  in ciidammada Military-ga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Soomaaliya in  ay si adag uga hortageen malleeshiyaad kooban oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay in ay damabacsanaayeen argagixinta madaxtooyada.

Sidoo kale wasiirka Amniga Qaranka ayaa xusay in ciidammada dowladda ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday, halka kuwa kalena ay ciidammadu dileen, waxa  ayna shaqaaqadaasi  ka dhacdayna waa dhabarka dambe ee xiga wada 15 May ee degmada Boondheere.

Dhanka kale xaaladda guud ahaan aagga uu ka dhacay qaraxa ay ka hortageen ciidammada dowladda Soomaaliya ee madaxtooyada ayaa degan, ciidammada dowladda Soomaaliyaa wada howl-gallo ballaaran, sidoo kale waxaa jira ciidammo dheeri ah oo waddooyinka caasimadda ee Muqdisho ka wada baaritaanno xooggan oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaaalada Muqdisho.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news