Dahabshiil-Gif
 
|

Wasiirka amniga oo codsi u jeediyay Baarlamaanka

c.kariin1Wasiirka amniga qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku saabsan baaqii is casilaadda loogu jeediyay Madaxweyne Xasan.

C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa in Dowladda Federaalka ay wax badan ka qabatay mudadii ay jirtay, isagoona sheegay in mudada u harsan uu aaminsan yahay inay dhameystireyso howlaha horyaala.

“Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay fursad siiyaan Madaxweynaha si uu u guto waajibaadka ka saaran hoggaanka dalka” ayuu yiri C/Kariim Xuseen Guuleed oo sheegay in Madaxweynaha uu yahay mas’uulkii ugu sareeyay dalka ayna tahay in markii wax qaldamaan isaga loo noqdo.

Wasiirka amniga waxaa kale oo uu sheegay in haddiiba wax laga tabanayo Madaxweynaha isaga loo sheego oo si hoose loo dhameeyo, isagoona ka dalbaday Xildhibaanada doonaya in Madaxweynaha uu is casilo ay tahay in marka hore ay u soo maraan waddo sharci ah.

Wasiirkaan oo ah ka mid ah Wasiirada sida aadka ah ugu dhow dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku tilmaamay baaqii dhowaan ka soo yeeray Xildhibaanada uu yahay mid ay ku degdegeen, oo haddii ay doonayaan wanaag ay ahayd inay Madaxweynaha si toos ah ugu sheegaan dhammaanba dhaliilaha uu leeyahay.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news