Dahabshiil-Gif
 
|

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Soomaaliya oo xilalka ka qaaday Masuuliyiintii Afgooye

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii loga xayuubiyay dhammaan masuuliyiintii mamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Wareegtadan xil ka qaadista ah ayaa waxaa ay ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya mudane C/laahi Goodax Barre.

Waxaa lagu sheegay in madaxdii heysay maamulka degmada Afgooye meesha laga saaray kadibna kuwa cusub la magacaabay.

Wareegtada ayaa lagu xusay in loo baahan yahay mar walba isbedal inuu dhaco si looga dhabeeyo himilooyinka ay xukuumadda Dr. C/wali Sheekh leedahay.

Masuuliyiintii xilalka laga qaaday waxa ay kala yihiin:-

C/laahi Iideey oo ahaa guddoomiyihii degmada Afgooye

Ku xigeenkiisa Mahdi Axmed Xasan

C/laahi Toogare oo ahaa Taliyihii ciidamada  deegaanka

Macalow oo ahaa madaxii arrimaha bulshada ee Afgooye

Nuuradiin SHukri oo ahaa masuulkii qaabilsanaa Dowladda hoose

Wareegtada ayaa lagu warramay in lagu magacaabay xubno cusub Xaaji Gaabow ayaa loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha degmada Afgooye, ku xigeenkana waxaa loo magacaabay Xuseen Jabriil, Arrimaha bulshada waxaa laga dhigay Ismaaciil Carab,  haka sidoo kale dowladda hoose iyo taliyaha deegaankana la bedalay.

cabdulaahi-goodax-barre

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news