Dahabshiil-Gif
 
|

Wasiirka Difaaca Dowladda Somalia Oo Gaaray Guriceel

wasiirka difaaca somalia

Waxaa maanta degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka difaaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya, waxaana diyaaradii siday ay ka dejisay degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Galgaduud.

Intaasi ka dib ayaa waxa ay halkaasi kaga amba baxeen safar dhanka dhulka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay degmada Guriceel.

Waxaa la filayaa in wasiirka kulamo uu la qaato mas’uuliyiinta Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan duleedka degmada Guriceel.

Socdaalka wasiirka iyo saraakiisha la socda ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro arimo ku aadan xalinta xiisadda ka taagan degmada Guriceel oo dhowr jeer ku dagaallameen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news