Dahabshiil-Gif
 
|

Wasiirkii Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka yahay Dowladda Soomaaliya ee Wasaaradd Amniga Qaranka isagoona aan faahfaahin ka bixin sababta ka dameysay iscasilaaddiisa balse waxa uu tilmaamay inuu tixgalinayo xaaladda adaga ee uu dalku kaga sugan yahay dhanka amniga.

Sida ay sheegayaan Wararka soo gaaraya Idaacadda Codkamudug iscasilaadda Wasiirka ayaa ka dambeysay kadib codsi kaga yimidi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan Dalka uga maqan booqasho ugu ku gaaray Dalka Koonfur Afrika kaasoo dalbaday iscasilaadda Wasiirka wuxuuna ku sababeeyay amni darrada ka taagan dalka gudihiisa.

Sikastaba arrintu ha ahatee Wasiirkii Amniga ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu kayahay xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya taasoo uu soo yahay mudo ku siman 20 bilood.wasiirka-arimaha-gudaha

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news