Dahabshiil-Gif
 
|

Wasiiro ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.Sawiro

Wafdi Ka kooban Laba Gole ee Dowladda Somaliya oo uu hor kacayo Wasiirka arimaha Gudaha iyo Federaalka Somaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa shalay gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, wafdigaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow,wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda soomaaliya ,xlidhibaano ka tirsan baalamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda soomaaliya ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyey maamulka dowladda ee gobolkaasi iyo saraakiil katirsan ahlu sunna iyo dadweyne ka tirsan kuwa gobolka.20143206353088719791472126

Sidoo kale waxaa shalay gaaray magaalada dh/mareeb wafdi ka yimid dhinaca dalka itoobiya oo ay ka mid ahaayeen safiirka soomaaliya ee dalka itoobiya Axmed C/salaam xaaji aaden ,iyo safiirka itoobiya ee soomaaliya kuwaas oo ay la socdeen sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada itoobiya eek u sugan gobolka galgaduud  kuwaas oo ka soo kicitamay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

1 2 3 4 45Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusa Mareeb, ayaa waxay sheegayaan in xubnahaasi ay xalay  kulamo saacado badan qaatay la yeesheen Masuuliyiinta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Saraakiisha Dowladda iyo Amisom, ee ku sugan Gobolka Galgaduud.

Sida warku sheegayo Labada dhinac, ayaa waxay ka wadahadlayaan sidii gobolkaasi looga bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah xarakada Alshabaab ee gacanta ku haya Degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer, oo ay Shabaabku ka jooggaan Gobolka Galgaduud.halka warar kale ay sheegayaan in kulankaasi xooggiisa looga hadlayo kala aragti duwanaan u dhaxaysa dowladda soomaaliya iyo maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe  ee dalka soomaaliya kuwaas oo sida la sheegay ka dhashay tabasho ka timid dhinac ahlu sunna ee ku aadan dowladda oo fulinweysay heshiis ay horey ula gashay maamulka sare ee ahlu sunna sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ahlu sunna ,waxayna wararku sheegayaan in kala aragti duwanaanta u dhaxaysa labada dhinac ay sababtay in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimaado howgal ay doonayeen ciidamada itoobiya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM inay ka bilaabaan gobolka galgaduud taas oo uu qorshuhu ahaa in uu isku mar howgalkaasu ka bilowdo gobolada dalka ,waxayna warar horey u soobaxay ay sheegayeen in muranku ka taagan yahay waxa laga yeelayo degmooyinka ka tirsan gobolka galgaduud haddii lagala wareego Al-shabaab kuwaas oo ay ahlu sunna sheegtay inay iyadu maamul u sameyneyso halka dowladdu ay diyaarisay qaabka maamul loogu sameynayo deegaanada lagala wareego Al-shabaab.

Kulanka u soconaya dhinacyadaasi oo is aragyo kala duwan ay dhinacyadu xalay yeesheen ayaan la ogeyn in la xalliyey kala aragti duwanaanta la sheegay inay labada dhinac u dhaxayso, iyadoo labadii wafdi ee shalay tagay halkaasi ay xalaay labaduba ku hoydeen   gudaha magalaada dh/mareeb ee gobolka Galgaduud, C/xakiin C/laahi Warsame, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Galgaduud, ayaa isagu sheegay inaan kulamada socda aan lagu soo hadalqaadi doonin Maamul Goboleed laga hirgeliyo Gobolada Dhexe, sababo la xiriira dhulkii oo aan weli la wada qaban sida uu yiri Cabadixakiin.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news