Dahabshiil-Gif
 
|

Waxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay Sabtidii shaley shir ku saabsan soo xulidda ergooyinka ansixinaya dastuurka Soomaaliya iyo daabacaadda nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya.

Waxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay Sabtidii shaley shir ku saabsan soo xulidda ergooyinka ansixinaya dastuurka Soomaaliya iyo daabacaadda nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya.

Sida ay sheegeyn  wakiilo ka qeybgalay shirkaas oo socday seddax cisho ayaa xubnihii ka qeybgalay kala socdeyn xubno matalaayay saxiixayaasha qorshaha looga gudbaayo xilliga kalaguurka ee Road Map-ka iyo beesha caalamka.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta XKMG ah, Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo gabagabadii shirka ka hadlay ayaa sheegay in uu diyaar yahay nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya, ayna ku rajo waynyihiin in xaflad lagu soo bandhigaayo ay ugu qabtaan magaalada Muqdisho Tallaadada soo socta sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiiirka waxa uu shaaciyay kaddibna ay odayaasha dhaqanka ee ku shiraayay Muqdisho loogu wareejin doono si ay u dadajiyaan soo xulista ergadii ansixin laheyd dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ka hadlay, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin hadda la soo dhameeyay nuqulkii ugu dambeeyay dastuurka Soomaaliya, dhaawana la filaayo in la ansixinaayo.

Wuxuu sheegayin muddo dheer kaddib Soomaalidu ay yeelaneyso dastuur rasmi ah oo ay isku maamulaan, wuxuuna ku baaqay in la taageero dastuurka cusub.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa ugu dambeyn rajo wanaagsan ka muujiyay in marxaladda ku meel-gaarnimada ay ku dhamaaneyso xiligii loogu talagalay, isagoo sidoo kale tilmaamay in uu ku kalsoon yahay in muddada kooban ee hartay lagu dhameystiri karo howsha harsan.

Sidoo kale waxa dadkii halkaas ka hadlay ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah iyo danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, kuwaas oo dhamaan sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Soomaaliya mustaqbalka dhow ay yeelan doonto dastuur ay lee dahay.

Waxa hadalka ugu dambeeyay qaatay danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, James Swan oo goobta kbalalan qaaday in beesha caalamka ay garab taagan tahay dadaallada ay Soomaalidu wadaan, isla markaana ay bixineyso dhaqaalihii ay ku yabooheen.

Danjire James Swan, ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in Al-Shabaab uu wakhtigaa ku xun yahay, waayo ayuu yiri dhul badan ayaa laga qabsaday, hadalkiisa ayaa waxa immaanayaa iyadoo dhawaan dowladda Maraykanku ay sheegtay inay 30-milyan oo dollar ku bixinayso ciddii soo sheegta warar lagu soo qaban karo madaxda sare ee kooxda al-Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news