Dahabshiil-Gif
 
|

Waxgaradka Galmudug”Dagaalka Saaxo Waa Mid Siyaasadeesan”

dagal

Waxgaradka Gobalka Mudug ayaa sheegay in dagaalka kusoo laablaabtay deegaanka Saaxo ee Gobalka uu yahay mid siyaasadeysan.

Suldaan Cabdikariin Maxamed Dagal oo ka mid ah waxgaradka Galmudug ayaa  sheegay in dhankooda ay wadaan dadaal xoogan oo dhanka Nabadda ah, hase ahaatee dagaallada loo weecinayo dhanka siyaasadeed.

Dadka dagaallamaya ayuu sheegay in ay yihiin dad walaalo ah oo wada degan, hase ahaatee dhexdooda ay ka dhex shaqeynayaan dad uu sheegay in dano gaar ah ay leeyihiin.

Waxa uu Suldaan Dagal uu ugu baaqay beelaha ku dagaallamaya Saaxo in Nabadda ay qaataan, islamarkaana miiska wada hadalka la keeno wax walba oo beelahani kala tabanayaan.

“Dad kale baa qorshahaan dagaalka ah wada, waxaa loo baahan yahay in umadda aan la’iska horkeenin, siyaasad baa lagu lifaaqayaa, anaga nabadda ayaa noo dan ah” ayuu yiri Suldaanka.

Waxaa soo laab laabtay dagaalka u dhaxeeya beelo wada degan deegaanka Saaxo ee gobalka Mudug, waxaana socda dadaallo ay wadaan Odayaasha dhaqanka ah ee Labada dhinac

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news