|

Xafiis Loogu Magacdaray Aas aaska Qoyska oo Gaalkacyo laga furay

Xafiis Loogu Magacdaray Aas aaska Qoyska oo Gaalkacyo laga furay

Qaar ka mid ah jaaliyadda Dibadda Galmudug ayaa waxa ay Gaalkacyo ka fureen Xafiis loogu talo galay aas aaska qoyska furitaankii xafiiskaan xaflad loo dhigay ayaa lagu qabtay isla xafiiska galabta jimco nimadii waxaana xafladaas ka soo qeyb galay madax ka socotay galmudug oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano jaaliyadda dibadda madax dhaqmeedka aqoonyahanka iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda wax barashada Galmudug .

xafiiskaan ayaa shaaca laga qaadey inuu wax ka qaban doono horumarinta qoyska iyadoo laga eegayo lagana taakulaynayo dhanka caafimaadka iyo waxbarashada si loo hagaajiyo harumarka qoyska .

Madaxa Xafiiskaan Oo lagu Magacaabo  shiiq cali Xasan Guure ayaa ka warbixiyey waxqabadka xafiiska iyo ujeedada loo furay waxa uuna sheegay in xafiiska ay fureen Jaaliyadda Dibadda looguna talo galay caawinta qoyska gaar ahaan xagga caafimaadka iyo waxarashada .

Masuuliyiintii ka soo qeyb gashey xafladda furitaanka ee xarigga looga jarey xafiiskaan ayaa waxaa ka mid ahaa suldaanka beesha reer Nimcaale Muxuyadiin Xasan Cilmi Fagaas oo ka hadlay waxtarka xafiiskaan uu qoyska u yeelan karo hadii si wanaagsan loogu shaqeeyo.

Sidoo kale agaasimaha waxbashada tooska ee wasaaradda tacliinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa isna xafladda ka qeyb galay isagoo u mahad celiyey dadka aasaasay xafiiskaan .waxuuna sheegay in loo baahanyahay xafiisyada Noocaan oo kale ah

 

 

1 Response for “Xafiis Loogu Magacdaray Aas aaska Qoyska oo Gaalkacyo laga furay”

  1. Liiqliiqato says:

    Isma-leh magaca xafiiska uu huwan-yahay – Aasaaska Qoyska – weynankiisa iyo quruxdiisa; iyo furitaanka maanta dhacay. Fahannay inuu xafiisku rabo inuu tayada noolasha qoyska wax-taro. Laakiinse, suaasha taagani waa: sidee ama habkee ayaad wax ugu soo kordhin oo aad RABTAAN inaad shacabkeena u ADEEGTAAN?

    FADLAN WAX QORAN OO LA TAABAN KARO INOO SOO BANDHIGA? YOOLKIINU MUXUU YAHAY? SIDEE RABTAAN INAAD KU GAARTAAN?

    CODKA-MUDUG fadlan idinkuna kaalintiina qaata oo wanaaga ka sii shaqeeya. Barnaamijkaan bilowga ahna waxqabadkeeda soo bandhiga iyoba gaabiskeeda.

    Guud ahaan fikir wanaagsan iyo ficilka bilowga ah aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in laga hirgeliyo deegaanka. Illahey waxaan ka baryi inuu noqdo mid waxtar muuqda leh.

    Salaams.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news