|

xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug ee Puntland Bashiir Cabdi Garas oo ay dileen kooxo aan la aqoonsan.

llah ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu toogtay xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug Bashiir Cabdi Garas oo ay dileen kooxo aan la aqoonsan.

Wararka ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha ay toogteen rag ku hubeysnaa bastoolado kuwaasoo toogtay xilli uu marxuumka ka soo laabtay masjidka uuna ku sii jeeday gurigiisa waqooyiga magaalada ku yaalla.

Taliyaha booliska ee gobolka Mudug iyo duqa degmada Gaalkacyo  ayaa sheegay inraggii dilka geystay ay baxsadeen laakiin ay socdaan baaritaan iyo dabagal lagu hayo kooxda dilka geysatay oo ay sheegeen inay magaalada ku dhuumaaleysanayaan.

Allah ha u naxariistee Bashiir Cabdi Garas ayaa lagu wadaa in meydkiisa maanta lagu aaso magaalada Gaalkacyo, waxaanadilkiisa cambaareeyay masuuliyiinta maamulka gobolka, kuwa degmada Gaalkacyo iyo shacabka.

Inta badan saraakiisha amaanka Gaalkacyo ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan gacan ku dhiiglatyaasha dilalka ka geysta magaalada dhexdeeda, mana aha markii ugu horeysay oo masuul ka tirsan hay’adaha garsoorka ama maamulka lagu dilo waqooyiga Gaalkacyoiyadoon aan lagula xisaabtamin masuuliyiinta shaqadooda amaanka ee dayacan.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news