Dahabshiil-Gif
 
|

Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsan Puntland oo lagu dilay Muqdisho

war DAG DAG AH WAAYE HEEE

Mid ka mid Xildhibaanada ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa la sheegay in goordhow lagu toogtay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan oo gaari ku socday ayaa la sheegay in ay toogteen Xildhibaanka  oo lagu magacaabo Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil.

Macadda cida beegsatay iyo sababta, Ciidamada Ammaanka ayaa hadda lagu soo waramayaa inay gaareen  halka uu dilka ka dhacay.

Warbaahinta Puntland ayaa laga soo xigtay in Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen uu  maalmahaan howllo caafimaad u joogay Magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news