Dahabshiil-Gif
 
|

Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay hadal uu sheegay Sh. Nuur Baaruud

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado hadal dhawaan uu ka jeediyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Xafladda Furitaanka Guddi taakuleynta Ciidamada xoogga ,kaas oo ahaa hadii xildhibaanada Baarlamaanka ay Mooshin keenaan in ay guryahooda ugu dhici doonaan, islamarkaana ay ka garaaci doonaan.

 

 

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in hadalka Sheekh Nuur uu yahay mid hanjabaad toos ah oo halis galin kara nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

 

Hadalka Xildhibaanka ayaa sidan u qornaa”

 

Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka islamarkaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada.

 

 

Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen, ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadii arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka.

 

 

Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan.

 

 

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in cidii mooshin wada meelaha ay joogaan uga galayaan, islamarkaana iyaga iyo shacabka oo garaacayaan.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news