Dahabshiil-Gif
 
|

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ka doodaya mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiweli

Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia

Mudanayaasha baarlamaanka Somalia Ayaa lagu wadaa in ay maanta ka doodaan mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda ra’iisul wasaaraha federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa qudbad uu shalay ka jeediyay fadhiga Golaha baarlamaanka ku sheegay in maanta mudanayaashu ay shaqeyn doonaan laba galin, ayna isku dayi doonaan in ay soo gabagabeeyaan doodda.

Wuxuu tilmaamay inuu rajeynayo in Sabtida 6-da bishan cod loo qaadi doono kalsooni kala noqoshada xukuumadda.

Mudanaayaasha baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwanaa ka doodista kalsooni kala noqoshada xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdiweli, taasoo sababtay in dhowr jeer natiijo la’aan lagu kala tago fadhiga baarlamaanka.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news