Dahabshiil-Gif
 
|

Xildhibaano ka soo horjeestay Warqad ka soo baxday QM oo looga hadlayo Khilaafka Dowladda.Dhageyso

XildhibaanoKadib kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan xildhibaanada kumidoobay MAY FIVE  ayaa waxa ay ugu baaqeen beesha caalamka inay joojiso faragalinta ay ku hayso arrimaha Dowladda Soomaaliya, ayagoona soo saaray bayaan ka dhan ah warqad maanta ka soo baxday qaramada midoobay oo loogu sheegay in lagu xalinayo khilaafka ka dhex taagan hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen in beesha looga baahan yahay inay soomaaliya ka taageerto dhanka dibu dhiska dalka ayoogoona tilmaamay in soomaaliya ay leedahay dowlad kabaxday KMG kii una shaqeysa sida ay u shaqeeyaan dowladaha caalamku taasoo ay sheegeen in ay awood leedahay xal uhelida arrimaheeda gaarka ah.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa waxa ay cambaareyn dusha uga tuureen kooxdii ka dambeysay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarunta Baarlamaanka ayagoon xukuumadda ka codsaday in baaritaan dhab ah ay ku sameeyo sababtii ka dambeysay weerarkaasi.

Dhagayso

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news