Dahabshiil-Gif
 
|

Ximan iyo Xeeb oo ka hadashay mowqifkeeda Wadahadalada Dhuusamareeb

Ximan iyo Xeeeeeb

Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabanaayo shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, xilli khilaaf uu ka taagan yahay halka rasmiga ah ee shirkaasi lagu qabanaayo.

Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen oo Saxaafada La Hadlay ayaa waxa uu meesha ka saaray in uu wax u dhimo karo go’aanka Odayaasha ku shiraya Dhuusamareeb ay kaga soo horjeesteen in Cadaado ay martigaliso Shirka.

“Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh go’aanka halka lagu qabanayo Shirka iyada ayaana sheegtay in uu Cadaado ka dhacayo waana uu ka dhacayaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqashadiisii hore ee Dhuusamareeb iclaamiyay in Shirka maamul u sameynta uu ka dhacayo Magaalada Cadaado taasi oo ay ka horyimaadeen Beelaha Gobolka oo ku dhawaaqay in gogasha ay ka furan tahay Dhuusamareeb.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news