Dahabshiil-Gif
 
|

Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir oo ku dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xoogan oo maantaa dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsadai gaari uu watay Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Holowle oo marayay nawaaxiga Isgooska KM ee Magaalada Muqdisho,waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay qaraxaasi 10 qof oo isugu jiray Dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda qaraxaan sida lagu shaaciyay qoraal lagu baahiyay baraha Internet-ka ee xarkada Al-Shabaab.hämta (3)

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news