Dahabshiil-Gif
 
|

Xubno Ka Socday Dowlada China oo kulan la Qaatay Mas,uuliyin ka Socotay Wasarada Adeega Bulshada

00

Wafdiga ka socda Dowladda China ee maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Wasaarada adeega Bulshada Xukuumadii hore ee Ra’iisul Wasaare Saacid.

Xubnaha ka socda Dowladda China ayaa booqday dhismaha isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo ay balan qaadeen inay dib udhis ku sameynayaan.
Agaasimaha Guud ee agaasinka shaqada iyo shaqaalaha,dhalinyarada, iyo isboortiga ee Wasaaradda Adeega bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Aweys Sheekh Xadaad oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii wasaaradda ee la kulmay wafdiga ayaa waxa uu sheegay in labada Agaasin ee Caafimaadka, iyo dhalinyrada iyo ispoortiga ay ka wada hadleen wafdi horumarinta adeegyada muhiimka u ah bulshada sida Caafimaadka iyo dhisida garoonka weyn ee Stadium Muqdisho, waxaana ay balan qaadeen mas’uuliyiinta ka socota China in ay dhisayaan Isbitaalka Banaadir iyo Garoonkaasi.
Wafdigaan China ka socda ayaa maalmahan waxa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho iyaga oo kulamo kala duwan la qaadanaye masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news