Dahabshiil-Gif
 
|

Xukumada Soomaliya Waxa ku Jiro Wasiiro Tayo Prof Ahmed Higal Abrar

 

1

Asc  Dhamaan Warbaahinada Soomaliyeed ee Jecel Horumarka Soomaliya Gaar ahaan Codkamdug.com  Run ahaan Tii Dalka Waxa  uu Maraya Marxalad adag oo aan indhaha laga qabsan Karin ,qof kasta oo raba in uu dal hogaansho waxaa dalka  bur burinaya  waa  shaqsiyaad gaar ah oo aan doonayn in horary loo dhaqaalo  xukumada soomaliya  waxaa  ku jiro aqoon yahano  soomaliyeed ee wax badan  dalka u Qabtay Mudadii ay XILKA Hayeen  laakiin Saxafada Qaar ayaa Waxa ay Cadeysatay Beenabuur  iyo Burburin Dalka  oo dhan ah

Sidan wada ogsonahay waxa Uu soo magacabay xukumad xul ah oo khibrad leh oo ka madaxbanan parliament ka 
wana xalka kaliya ee loo arko in gedi socodka Higsiga 2016 lagu gadhi karo 
waxan hadaba ku eegi dona qormada kowad Wasirka arrimaha dibeda Dr Abdisalan Haji Hadliye Omar 
Waxan egi dona Wasirka Arimaha Dibeda Jamhuriyada Federal ka Somalia 
Dr Abdisalan Haaji Hadliye Omar 
 
Dr Abdisalan Haji Hadliye Waxa uu ka soo jeda Gobolada Waqoyi Galbeed Gaar ahan Gobolka Awdal Beelaha Gadabuursi Gaar ahaan Beelaha Makahil Ee Reer Nuur  Oo Taarikh wayn ku leh guud ahan gobolada waqooyi iyo Somalia ba 
Dr Abdisalan Waa ina Haaji Hadliye waxanu aha Xaaji Hadliye Maal qabeenadii Somaliyeed e wakhtigii gumaystaha iyo kadiba 
waxa uu aha Abihii Ragii Gobonima doonka Doorka wayn ku laha iyo Midnimada Somaliyeed
Waxa lagu xasuusta Halganka dheer ee Reer Hadliye iyo Reer Haji Ibrahim Nur ba Gobonima donki iyo midnimadii umada Somaliyeed
Dr Abdisalan Waxa nin Khibrad badan leh oo Africa Marka la tiriyo Aqonyahankoda iyo khuburadooda Mel muhim ah kaga jira 
Waxay somalia nasib u yelatay in ay in ay ku dhex ledahay Africa iyo Aduunkaba rag heer caalami ah oo wax ka bedeli kara Siyasada Somalia 
Waxa uu ka soo shaqeeyay world banka bangiga adunka waxa uu ka soo sheeqeeyay madaxa maliyada iyo mareynta Misaniyada ee Washington DC.
waxa kale oo ka shaqeyay Bankiga dhexe e somalia 
Kuma soo koobi karno qoral waxa uu aqon u leyahay iyo xidhidh ka ka dhexeeya dawladaha waawayn ee Maraykanka o markii uu Bangiga dhexe oo gudomiyaha ka ahaa iyo ka hor ba uu xidhidh toos ah la lahaa dadaal dheer na u galay sidii loo helilahaa 
Dawlad rasmiya soo samalia oo aan ahayn dawlad ku meel gaadha 
Marna ka muu maqnayn horumarinta somalia mana aha dad xil uun somalia ka soo doonta iyo shaqo ee uu si toos aha iyo si dadbanba talo ugu kordhinayay xukumad kasta oo somaliyeed waa muwadin wadani dhab ah wana raga laga filayo midnimo somaliyeed in ay keenaan madama oo uu ka soo jedo gobolada waqooyi.
Waxa la aaminsanyahay sida maraykanka iyo Midawga yurub iyo Midawga africa iyo IGAD iyo Uururada Dimuqradiyada u ololeeya 
in uu somalia xili wanangsan ay Go aan qadatay  calam kuna ku bogadiyay xulashada xukumad hufan oo karti leh 
waxa aan ku egi dona qoralada kale Xubnaha kale ee iyaguna ku jira xukumadan Omar Abdirashid Ali Sharkmake
Jaaliyada  iyo Aqoonyahanada Soomaliyeed ee Jecel Horumarka Dalka Soomaliya Waxa ay aad uga Xun Yihiin  Dhibaatada Dalka ka Taagan Waxana Dowlada Soomaliya Ugu Baaqayna in Wasiirada Tayada Leh ee Dalka Horumarka Gaarsiiyay in aan Meesha Laga Saarin oo  Dalka Horumarkiisa Madaxda  Qaranku ay Egaan
Fiiro Gaar Ah
Waxa ku soo baxay allbanadir qoral been abuur ah oo lagu sosray manta Oo ku salaysan been abuur Xukumada Somalia tayadeeda wana dadka been ku macaashka ahaa ama xidhidh la leh Nabadiidka Al shabaab oo ku faraxsan dib u dhaca xukumada iyo muranada hayadaha dawlada 
Prof Ahmed Higal Abrar

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news